U bood dhigaalka

Xukuumadda oo sheegtay in ay dib u dejinayso qaxootiga soomaaliyeed

Sheeko:War
Xeryaha Ifo ee dalka Kenya
Xeryaha Ifo ee dalka Kenya

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dib u dejin iyo shaqo abuur loo samaynayo  qoxootiga ka soo laabanaya dalka Kenya.

Wasiirka DHalinyarada iyo Isboortiga ee xukuumadda Federaalka Soomaaliyta Dr. Khaalid Cumar Cali oo la hadlay Goob Joog FM ayaa sheegay in wasaaradiisu ay ka qayb qaadanayso dadaalada lagu  lagu garab istaago  qoxootiga Soomaalida ah ee ka soo laabanaya xeryaha qoxootiga ee Kenya.

Wasiirka ayaa tilmaamay in shaqo abuur iyo dib u dejin loo samaynayo dadkaasi, isaga oo shaaca ka qaaday in kaalin mug leh ay wasaaradiisu ka qaadan doonto arintaas.

Qaar badan oo ka mid ah qaxootiga Soomaalida ee  Kenya  ayaan doonaynin  inay  soo guryo  noqdaan, iyagoo ku andacoonaya in weli ay taagan tahay dhibaatadii ay ka soo carareen.

Hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmaya xilli shalay uu xerad a DHadhaab ee Kenya booqday ra’iisal wasaaraha dalka mudane Cabdiweli SHeekh.