U bood dhigaalka

Hakad saacado ka hor ku yimid dhaq-dhaqaaqa suuqa Bakaaraha

Sheeko:War
Suuqa Bakaaraha
Suuqa Bakaaraha

Wararka naga soo gaaray Suuqa wayn ee Bakaaraha ayaa sheegaya in gebi ahaan aanu  wax dhaq-dhaqaaq ganacsi ah ka jirin suuqa, isla markaana ay xiran yihiin goobaha laga dukaamaysto.

Gudaha suuqa Bakaaraha ayaa laga dareemayaa gadood ay samaynayaan gaari gacanlayda (ragga ku xamaasha gaari gacanka), iyaga oo ka cabanaya in la curyaamiyay  howlihii ay qaban jireen, isla markaana ay hakad galeen howlihii ganacsi ee  suuqa.

Mid ka mid ah suuqlayda Bakaaraha  ayaa u sheegay Goob Joog FM in sababta uu u xiran yahay suuqa ay tahay gadood ay suuqlayda ka keeneen canshuuraadka ay ururiyaan ciidan ka socda maamulka degmada Howl wadaag.

Suuqa Bakaaraha ayaa ah suuqa  ugu wayn dalka, waxaana u shaqa taga subax walba dad fara badan oo ku kala nool xaafadaha uu ka kooban yahay gobolkan Banaadir.

Wixii ku soo kordha warkan kala soco GoobJjoog FM insha’allaah.