U bood dhigaalka

Madaxwayne Xasan oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee India

Sheeko:War

[huge_it_slider id=”57″]

Madaxwaynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee dowladda India u soo magacawday Soomaaliya Yogeshwar Varma. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kala hadlay safiirka arimo ay ka mid yihiin xiriirka labada dal iyo ammaanka.

Safiirka cusub ee India Yogeshwar ayaa madaxwaynaha kala hadlay iskaashi dhax mara labada dowladood , gaar ahaan maalgelin dowladda India ay ku samayso Soomaaliya .

Varma oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dowladiisu ay ka shaqayn doonto maal gelinta dalka, isaga oo u rajeeyay Soomaaliya in ay wehel u noqoto nabad iyo xasilooni sal adag.

Wasiirka arrimaha dibada xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa isna ka hadlay goobta, waxa uuna cod dheer ku sheegay in xiriirka labada dal uu dib u bilowday.

Dalka India ayaa ah dal ay wax ka bartaan arday fara badan oo soomaali ah, iyada oo ay jiraan xiriir ganacsi oo ka dhaxeeya ganacsatada labada dal.

Danjirayaasha dowladaha caalamka u soo magacaabaan Soomaaliya ayaa isasoo taraya tan iyo markii dowladda Federaalka Soomaaliya ay heshay aqoonsi caalami ah xilli ay ka baxday hannaankii kumeel gaarka ahaa.