U bood dhigaalka

Howlaha gancsi ee suuqa Bakaaraha oo dib u bilwday

Sheeko:Dalka

Ganacsatada suuqa way nee Bakaaraha ayaa saaka dib u furay goobaha ganacsi ee suuqaasi kadib mudo laba maalin ah oo ay shaqo joojin ah sameeyeen.

Shaqo joojinta ay sameeyeen ganacsatada suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa timid markii ay sheegeen in ay u dulqaadan waayeen ciidamo dowladda Federaalka Soomaaliya ka tirsan oo si xad dhaaf ah uga qaadaya canshuurta.

Mid ka mid ah ganacsatadaasi oo u waramay Goobjoog FM ayaa sheegay in adeegii suuqa Bakaaraha uu yahay mid furan.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa war saxaafadeed ay ka soo saartay hakadka ku yimid labadii maalin ee u dambeeyay dhaqdhaqaaqa suuqa Bakaaraha ku sheegtay in ay rag gaar ah ururin doonaan canshuuraha laga qaado ganacsatada.