U bood dhigaalka

Wasiiro ka socda xukuumadda Soomaaliya oo Kismaayo kula kulmay xubno ka tirsan IGAD

Sheeko:Dalka

Wasiiro ka tirsan xukuumadda Federaalka Soomaaliya, saraakiil ka socota IGAD iyo madaxda maamulka KMG Jubba ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose.

Wasiirka maaliyada Soomaaliya Xuseen Cabdi Xalane, wasiirka arimaha gudaha iyo Federaalka Cabdullaahi Goodax Barre iyo wafdi ka socda urur gobaleedka IGAD ayaa ka mid ah xubnaha ku sugan magaalada Kismaayo.

Wafdiga IGAD waxaa hor kacaya danjiraha Soomaaliya ee IGAD Maxamed Cabdi Afeey waxaana ka mid ah Jeneraal Gabre oo ah wakiilka IGAD ee Itoobiya.

Ciidamo ka tirsan maamulka KMG Jubba ayaa magaalada lagu dhex arkayaa iyo sidoo kale gaadiid dagaal oo maamulka uu leeyahay.

Xasan Xareed Ciil-mooge oo kamid ah masuuliyiinta degmada Kismaayo ayaa Goobjoog FM u sheegay in ammaanka magaalada la adkeeyay isla markaana wafdiyada ay ku sugan yihiin madaxtooyada maamulka Jubba.