U bood dhigaalka

Wasiiradda haweenka oo Muqdisho kula shirtay xubno ka socda hay’adda ICRC

Sheeko:Dalka

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo horumarinta xaquuqul insaanka ayaa maanta kulan Muqdisho kula yeelatay Wafdi uu hogaaminayo Madaxa guddiga caalamiga ah ee laanqeyrta Cas Patrick Vial, kaasi oo looga hadlay arrimo ay ka midyihiin ilaalinta xuquuqul insaanka oo ay ka midtahay sidii loo dhowri lahaa xuquuqda maxaabiista ku jirta xabsiga dhexe ee dalka, dhowridda xuquuqda dadka aan lixaadooda dhameystirneyn iyo kuwa kale.

Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo markii uu kulanka soo idlaaday kaddib la hadashay Warbaahinta oo ka warbixisay kulanka ay la qaaday Madaxa guddiga caalamiga ah ee hay’adda Laanqeyrta Cas (ICRC) iyo xubno ka socday xafiiska cusub ee ay Muqdisho ka furteen ayaa sheegtay in ay ka wada hadleen sidii loo abuuri lahaa jawi wada shaqeyn ah, waxaana ay intaa ku dartay in Wasaaraddu ay waddo dhameystirka Hindise sharciyeedka ka hortagga xadgudubyada ka dhanka ah xaquuqul insaanka oo ay u gudbiyeen wafdiga ay maanta la kulmeen.

“Waxyaabaha aan ka wada hadalnay waxaa ka mid ahayd xuquuqda maxaabiista iyo daryeelkooda, daryeelka naafada iyo in xoogga la saaro dib u balaarinta Machadka Qamar oo ay dhigtaan carruur kala duwan, anagoo uga mahadcelinay kaalmada caafimaad oo ay ka geystaan Cisbitaalada Keysaney iyo Madiina” ayay Wasiirka Haweenka hadalkeeda ku dartay.

Kulanka maanta ay Wasiirka Wasaaradda Haweenka la qaadatay Wafdiga ka socday Hay’adda laanqeyrta cas waxaa goob joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, qaar ka mid ah Agaasimeyaasha Waaxyaha iyo lataliyeyaasha Wasaaradda.