U bood dhigaalka

Madaxwayne Xasan Sheekh oo saacadaha soo socda ku sii jeeda Turkiga

Sheeko:Dalka

Madaxwaynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka u ambabaxaya dalka Turkiga kadib markii uu casuumad rasmi ah ka helay dhigiisa cusub Rajab Dayib Erdogan oo bilowgii bishan ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee dalkaas.

Wafdiga uu hogaaminayo mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka Turkiga kaga qeyb galaya munaasabadda caleema saarka madaxwaynaha cusub ee Turkiga Erdogan oo hore dalkaas uga soo noqday sanado badan ra’’isal wasaare.

Wasiiro ka tirsan xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay qeyb ka noqdaan wafdiga madaxwaynaha u raacaya Turkiga sida wasiirka arrimaha dibada xukuumadda.

Xaflada caleemo saarka ayaa la filayaa in ay ka soo qeyb galaan madaxwayneyaal badan oo ka socda caalamka, kuwaas oo xiriir wanaagsan la leh dalka Turkiga.

Shacabka Turkiga ayaa Rajab Dayib Erdogan u doortay xilka madaxwaynenimo 11-kii bishan, kadib doorashadii ugu horeysay ee ay u dareeraan taariikhdooda.

Dowladda Turkiga ayaa ka caawisa dowladda Federaalka Soomaaliya dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin dhismaha ciidanka ,kaabayaasha dhaqaalaha dalka iyo horumarinta waxbarashada iyo caafimaadka.

Erdogan ayaa booqsaho taariikhi ah ku yimid caasimadda Muqdisho 2011-kii xilligaas oo ay koofurta dalka ka dilaacday macluul iyo abaaro baahsan.