U bood dhigaalka

AMISOM oo sheegtay in uu heer gaba gabo marayo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab

Sheeko:Dalka
Kornayl Cali Aadan Xumad
Kornayl Cali Aadan Xumad

Taliska ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ayaa sheegay in heer gabo gabo ah uu marayo dagaalka looga soo horjeedo xarakada Al-Shabaab.

Afhayeenka taliska guud ee ciidamada AMISOM Cali Aadan Xumad oo wareysi siiyay Goobjoog FM ayaa sheegay in ciidanku ay u diyaar garoobeen dagaalkii ugu dambeeyay ee ciidamadu ay ku tagi lahaayeen goobaha ay dalka ka joogaan xarakada Al-Shabaab.

Afhayeen Xumad ayaa sheegay in dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab ay ka baxeen degmooyin iyo deegaano badan oo ka mid ah gobolada dalka, kuwaas oo uu sheegay in ciidankoodu ay gacanta ku hayaan isagoo shaaciyay in ay goor dhow soo gaba gabeynayaan.

Hoos ka dhageyso wareysiga Raaxo Max’ed Maxamuud ay la yeelatay Korneyl Xumad: