U bood dhigaalka

Abaanduulaha milateriga Soomaaliya oo sheegay in ay furayaan wadooyinka u xiran Al-shabaab

Sheeko:Dalka
Cabdirisaaq Khaliiif Cilmi
Cabdirisaaq Khaliiif Cilmi

Abaanduulaha ciidamada milateriga dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdirisaaq Khaliiif Cilmi oo warbaahinta kula hadlay magaalada muqdisho ayaa shegay in hawl galka loogu magac daray (Indian ocean) uu xal u yahay wadooyinka xiran iyo dhibaatada shacabku kala kulmaan xarakada Al-shabaab deegaanada ay gacanta ku hayaan.

Abaanduulaha waxa uu intaasi raaciyay in ciidamada ay ka hortagayaan dhibaatooyinka ay shacabku ka cabanayaan isagoo tilmaamay in goor dhow uu hawl galkan bilaabanayo kaasi oo uu ku dhawaaqay madaxweynaha Soomaaliya.

Abaanduulaha ayaa sidoo kale sheegay in tallaabada ugu horeysa ee hawlgalkan lagu fulin doono wadda furista deegaanada ay ku suganyiin xarakada Al-shabaab si isku socodku u noqdo mid wanaagsan sida uu yiri abaanduuluhu.

“Al-shabaab waxay isticmaaleen marka ay ka baxayeen magaalooyinkaas meelo badan waxa ay duugeen ceelashii, biyihii bay ka dhigeen kuwo wasaqoobay oo waxaa ay ku shubeen waxyaalo aysan dadku cabi karin hadii la isticmaalo farmashiyeyaashii iyo daawooyinkii bay la tageen, marka wadooyinkii meelaha qaar ay dadku soo marayeen bay dadkii u fariisteen dadku inaysan magaalada imaan, ganacsi gayn isla markaana wax kala soo bixin” ayuu yiri Cabdirisaaq Khaliiif Cilmi.

Waxa uu kaloo abaanduuluhu sheegay in hawlgalkan uu yahay mid la rabo in Al-shabaab meesha looga saaro meelaha ay ku sugan yihiin.

“Operationka (hawlgalka) qaybtiisa hore wadooyinka waa la furayaa, xoreyntuna waa la soconaysaa waa wax wada socda shacabka soomaaliyeedna oo meelahaas ku dhibaataysan oo ku xayiran sidii raashin loogu geeyo waa in wadooyinka la furaa, wadooyinka waa furaynaa hawl galkuna waa soconayaa dhammaan dalka oo dhanna waa ka saaraynaa” ayuu sii raaciyay abaanduuluhu.

Wadooyinka soo gala magaalooyinkii bilihii ugu dambeeyay dowladdu kala wareegtay xarakada Al-shabaab ayaa xirnaa taas oo keentay dad badan in ay gaajo iyo biyo la’aan magaalooyinka qaar uga baxaan ayadoo walina la soo sheegayo cunta yari ka taagan maagaalooyinkaas.

Hadalka abaanduulaha ayaa ku soo beegmaya xilli dhawaan golaha wasiirada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ugu baaqeen AMISOM in ay qaado howl gal lagu furayo wadooyinka u xiran Al-shabaab si bay yiraahdeen gargaar loo gaarsiiyo dadka u baahan ee ay xaaladaha bani’aadanimo soo wajahday.