U bood dhigaalka

Kismaayo :Wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya oo la shiray beelaha dega Jubbooyinka iyo Gedo

Sheeko:Dalka
Kismaayo
Kismaayo

Wasiiradii ay dowladda Federaalka Soomaaliya u dirtay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa kulamo la qaatay xubno matalaya beelaha wada daga gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Gudoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta beelaha wada dega goblada Jubbooyinka iyo Gedo Cabdi Baalle Cumar oo la hadlay Goobjoog FM ayaa sheegay in wasiiradii soo gaaray magaalada Kismaayo ay kulamo la qaateen dhinacyada matalaya qabaa’ilka wada dega gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in guddigu uu wado dadaalo lagu mideynayo rabitaanka beelaha wada dega goboladaasi, kuwaasi oo doonaya in ay ku heshiiyaan xubnaha ay ku leeyihiin maamulka KMG ah ee Jubba.

Kismaayo Waxaa ku sugan wasiirka maaliyada,wasriirka arimaha gudaha & Federaalka iyo wasiirka garsoorka & dastuurka xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

MaamulkaKMG Jubba ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe ayaa lagu wadaa in uu Kismaayo ku qabto shir wayne dib u heshiisiineed, kaas oo lagu dhameynayo colaadaha goboladaas.

Hoos ka dhageyso codka Cabdi Baalle Cumar :