U bood dhigaalka

Maamulka Khaatumo oo beeniyay in lagala wareegay deegaanka Saax-dheer

Sheeko:Dalka

Maamulka Khaatumo ayaa beeniyay in ay ka baxeen deegaanka saax-dheer ee gobolka Sool halkaasi oo la sheegay in ay dagaal kula wareegeen ciidamo ka tirsan maamulka Somaliland.

Gudoomiyaha Barlamaanka maamulkaasi Maxamuud Sheekh Cumar oo ka hadlay warka ka soo baxay hogaanka ciidamada Somaliland ayaa sheegay in ciidamadaasi aysan gudaha u soo gelin deegaanka Saax-dheer oo la filayay shalay galinkii dambe in lagu qabto caleemo saarka madaxweynaha maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galayr.

Waxa uu intaasi raaciyay in maamulka Khaatumo uu ku filan yahay difaaca deegaanada uu ka arimiyo isaga oo ku baaqay in maamulka Somaliland uu xadkiisa ku ekaado.

Deegaanada hoos yimaada Khaatumo ayaa u dhaxeeya maamullada Somaliland iyo Puntland oo xurguf siyaasadeed ka dhaxeyso.

Madaxwaynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Shariif Sheekh Axmed ayaa aqoonsaday maamulka Khaatumo wallow mar dambe uu kala laabtay aqoonsiga.

Hoos ka dhageyso codka Maxamuud Sheekh Cumar :