U bood dhigaalka

Ciidamo ka socda Ethiopia oo ka soo gudbay xadka Soomaaliya

Sheeko:Dalka
Sawir hore:Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan Gedo, 2009.
Sawir hore:Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan Gedo, 2009.

Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u tira badan ayaa lagu soo waramayaa in ay maanta ka soo gudbeen xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Ethiopia.

Ciidamadan ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay waxa ay ka soo gudbayeen degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Dad ku sugan degmada Doolow oo diiday in magacooda iyo codkooda loo adeegsado warbaahinta sababo dhanka ammaanka ayaa sheegay in ciidankan ay ku sii jeedaan dhinaca gobolada Baay iyo Bakool.

Wariye ka tirsan Goobjoog FM oo ku sugan gobolka Gedo waxa uu leeyahay ciidamadani waa kuwii ugu badnaa ee ka soo gudba soohdimaha labada dal.

Marka ciidamadan ay ka soo gudbaan degmada Doolow ayaa ka sii gudbaya degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Dhaq-dhaqaaq ciidan oo xoogan ayaa laga dareemayaa xilligan gobolada Baay, Bakool iyo Gedo halkaasi oo ay ka socdaan howl gallada ciidamada huwanta ay ku doonayaan in xarakada Al-Shabaab ay kaga saaraan goboladaasi.

Shalay oo Talaado ahayd, talisyada ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa ku dhawaqay howl galo loogu magac daray Indian Ocean oo lagu furayo wadooyinka xiran ee gobolada koofurta isla markaana lagu dar dar galinayo howl gallada ay wadaan ciidamada iskaabaya.