U bood dhigaalka

Boosaaso:Puntland oo xukunno dil iyo xarig ah ku riday eedeysanayaal

Sheeko:Dalka

Maxkamada ciidadamada qalabka sida ee maamulka Puntland ayaa xukun dil iyo xarig ah ku riday dambiilayaal lagu helay dambiyadii lagu soo eedeeyay.

Shan qof oo ay ku jiraan Ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland ayaa xukunkan Maanta lagu fuliyay.

Maxkamada ayaa sidoo kale dil ku fulisay askari oo dil ugu gaystay Taliyihii Saldhiga deegaanka Rako ee gobolka bari.

Eedeysanayaasha kale ayay maxkamadda ku xukuntay xarig gaaraya shan sano kadib markii ay ku heshay eeedeymo la xiriira maandooriyeyaal ay gaarsiiyeen maxaabiis ku jiray xabsiga.

Xukunkan waxaa maxkamada magaalada Boosaaso kaga dhawaaqay maanta oo Khamiis ah taliyaha maxkamada ciidamada qalabka sida Puntland Cabdi-Fataax Xaaji Aadan