U bood dhigaalka

Guddoonka Barlamaanka Soomaaliya oo canaantay ganacsatada soomaalida

Sheeko:Dalka
Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari
Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari

Guddoonka Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku canaantay ganacsatada Soomaaliya in ay ka gaabiyeen wax ka qabashada bur burka wadooyinka meelo ka mid ah dalka.

Afhayeenka golaha shacabka ahna guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Prof.Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in dhismaha wadooyinka muhiim ay u tahay isu socodka gaadiidka gobolada dalka.

Jawaari ayaa caqabadaha wadooyinka ka jira waxa uu tusaale u soo qaatay in dowladda muddo dheer ay ku qaaadatay in sahay gar gaar ah ay gaarsiiso gobolada ay abaaruhu ka jiraan ee dalka.

Hadalka Jawaari ayaa ku soo beegmaya xilli dhowaan xukuumadda Federaalka ay ka codsatay dadka wax haysta in ay ka qeyb qaataan gargaar gaarsiinta dadka ay saameysay maclusha iyo abaaraha ka jira qaar ka tirsan gobolada koofureed ee dalka.

Hoos ka dhageyso codka Prof.Jawaari: