U bood dhigaalka

Ciidanka Somaliland oo mar kale la wareegay deegaanka Saax-dheer

Sheeko:Dalka

Ciidamada maamulka Somaliland ayaa lagu soo waramayaa in ay gacanta ku dhigeen deegaanka Saax-dheer oo lagu waday in lagu qabto munaasabada caleema saarka madaxweynaha cusub ee maamulka Khaatumo.

Wararka ayaa sheegay in siyaasiyiin ku sugnaa halkaa oo aan la cayimin magacyadooda gacanta lagu dhigay.

Ciidamada maamulka Somaliland ayaa weerar ku qaaday deegaankaa oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan maamulka Khaatumo, siyaasiyiin iyo mudanayaal ka tirsan barlamaamka Fedaraalka Soomaaliya sida ay sheegayaan warar aynu ka helnay kalkaa.

Saax-dheer waxa ay 70 KM Koonfur Galbeed uga beegantahay Laascaanood oo ah xarunta gobolka Sool.

Wixii war ah oo ku soo kordha warkan kala soco Goobjoog FM.