U bood dhigaalka

Barre Hiiraale oo ogolaaday ka qeyb galka wajiga labaad ee shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka

Sheeko:Dalka

Warar ay Goobjoog FM ka heshay ilo wareedyo la isku haleen karo ayaa sheegaya in Kornayl Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) uu ogolaaday in uu ka qeyb galo wajiga labaad ee shirka dib u heshiisiinta maamulka kumeel gaarka Jubba, kaas oo 12-ka bisha September ee soo socota lagu qaban doono magaalada Kismaayo.

Barre Hiiraale ayaa sidoo kale aqbalay in ciidamada isaga ka amar qaata lagu biiriyo kuwa maamulka kumeel gaarka Jubba.

Ila wareedyada ayaa sidoo kale tilmaamaya in guddi cusub loo xil saaray sidii ciidamada Barre iyo hubkooda loo geyn lahaa saldhigyo gaar ah oo ku yaalla gudaha Kismaayo inta laga dhameynayo heshiiska.

Maalinimadii shalay ayay ahayd markii deegaanka Goob-Wayn ay gaareen wafdi ka kala socda xukuumadda Federalka Soomaaliya oo uu hor kacayay wasiirka arimaha gudaha iyo Federaalka Cabdullahi Goodax Barre iyo urur goboleedka IGAD oo uu hoggaaminayay danjire Maxamed Cabdi Afey , iyagoo markii halkaasi ay gaareen  kulan la qaateen Kornel Barre Aadan SHire Hiiraale iyo saraakiisha xulafada la ah ee ku sugan deegaanka Goob-Wayn.

Wixii war ah ee ku soo kordha warkan kala soco Goobjoog FM