U bood dhigaalka

Ergooyin matalaya Barre Hiiraale oo tagay magaalada Kismaayo

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubba ayaa sheegaya in ergooyin matalaya Barre Aadan Shire (Hiiraale) ay tageen Magaalada Kismaayo iyagoo kulan halkaasi kula qaatay xubno ka mid ah Maamulka Jubba.

Xubnahan oo la sheegay inay matalayaan Barre Hiiraale ayaa kala hadlay Guddiga farsamada – ee qaban-qaabinaya wajiga labaad ee shirka dib u heshiisiinta Beelaha jubbooyinka- kaalinta ergadan ay ka qaadanayaan shirka iyo sidoo kale mowqifkii uu hore arintan ka istaagay Bare hiiraale.

Cabdirashiid Macalin Gaas oo ku hadlay afka ergadaasi ayaa sheegay in ay ku qanacsan yihiin qaabka ay haatan wax u socdaan isla markaasna mar dhow uu magaalada imaanayo Barre hiiraale kaasi oo la filayo inuu ka qeyb galo shirka dhawwaan ka furmaya Magaalada Kismaayo.

Kornayl Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) oo mar noqday Wasiirka gaashandhigga ee xukuumaddii KMG aheyd ee Soomaaliya ayaa maalinti shalay aqbalay ka qeyb-galka shir dib u heshiisiineed oo lagu wado in dabayaaqada bisha Sebteembar lagu qabto magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.