U bood dhigaalka

AMISOM oo sheegtay ay fulin doonto howl-gallo hub ka dhigis oo hor leh

Sheeko:Dalka

Taliska Ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Afrika  ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa sheegay in hub badan ay ku soo qabteen Howl-galkii ay ka sameeyeen Muqdisho haatana ay ku wajahan yihiin Goobo horleh.

Afhayheenka Taliska Guud ee AMISOM Cali Aadan Xumad oo u waramay Goob-joog FM ayaa sheegay in Ciidamada Dowladdu ay awood u leeyihiin Uruurinta hubka isla markaasina ay u baahan yihiin Taageerada shacabka Soomaaliyed.

Xumad ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay Mas’uuliyad ka saaran tahay Xaqiijinta Amniga Soomaaliya iyaga oo gacan milateri siinaya Ciidamada Dowladda Soomaaliya isaga oo shaaciyay in howl-galka hubka lagu uruurinayo uusan joogsan isla markaana uu xusay in uu socdo qorshe lagu doonayo in hubka looga xareeyo rag hubeysan oo uu sheegay inay ku sugan yihiin Muqdisho.

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa mudooyinkii dambe magaalada Muqdisho ka waday howl-gallo hub ka dhigis ah, kuwaas oo sababay isku dhacyo ay dad ku dhinteen oo dhex maray qaar ka mid ah qab-qablayaal hub ku heystay magaalada iyo ciidamada ammaanka.