U bood dhigaalka

Waxqabadka Dowladda Soomaaliya ee Usbuucii la soo dhaafay

Sheeko:Dalka

Mustaf-DhuxulowWasiirka Warfaafinta Mudane Mustafa Sheikh Ali Dhuhulow oo maanta Muqdisho kula hadlayey warbaahinta ayaa siiyey warbixinta horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay. Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Maxkamad la saaray kooxaha argagaxisada ah, wadahadalka Dowladda iyo Maamulka Jubba, dhameystirka Guddiga Farsamo ee maamul u sameynta Gobollada Dhexe, Booqashada Wasiirka Gaadiidka ee Beledweyn, Ardey Jaamicadda Soomaaliya ka qalinjabisey, Hindise Sharciyeedka Waxbarashada, Ardey loo qaaday tababar Leyli-Sarkaal ah, Horumarka Warbaahinta Dalka, Arrimaha Xaquuqda Haweenka, iyo Abaaraha Dalka ka jira.

Wasiirka Warfaafinta ayaa ku bilaabay maxkamad la saaray kooxaha argagaxisada ayaa yiri “Maxkamadda Ciidamada Qalabka-Sida ayaa 25kii August 2014 ku xukuntay dil toogasho ah labo ka tirsan maleeshiyaadka Argagaxisada Al Shabaab oo ka dambeeyay dilal loo geystay muwaadiniin Soomaaliyeed oo ay ka mid ahaayeen Wariye Maxamed Maxamuud Timacade oo ka tirsanaa shaqaalaha Universal TV, iyo Cawil Xasan Maxamuud oo ka mid ahaa Ciidanka nabad sugida. Labadan maleeshiyaadka ayaa qirtay dilka Wariye Tima Cadde. Afhayeenka Maxkamada Darajada Ciidamada C/laahi Muuse Keyse ayaa ku dhawaaqay xukunka isagoo sheegay in maxkamadda dabagal iyo xaqiijin ay ku sameysay kiiskani iyo qiraal ay sameeyeen maleeshiyaadkani ay u cadaatay dambiyada lagu soo eedeeyay in ay galeen islamarkaana maxkamadu ay ku xukuntay xukun dil. Dowladda Federaalka ayaa in muddo ahba waday dadaal lagu soo qabqabanayo kooxaha argagaxisada ah ee dilka u geysta shacabka, tanoo suurtogelisay in magaalada Muqdisho ay noqoto goob amni ah oo kooxihii nabad-diidka ah ay gabad ku jiraan.”

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey wadahadalka Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubba ayaa yiri “Wasiirka Arrimaha Gudaha & Federaalka iyo Wasiirka Maaliyadda ayaa 25kii August gaaray Kismayo si Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubba ay uga wadatashtaan dar-dargelinta heshiiskii Addis Ababa ee bishii August 2013. Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka ayaa isna ku biirey wefdiga Dowladda 26kii August. Wafdiga Dowladda Federaalka ayaa ku guuleystay in Maamulka Jubba iyo kooxaha ku sugnaa bannaanka Kismaayo ee uu hoggaamiyo Col Barre Hiiraale la wada hadalsiiyo oo 27kii August 2014 ayey Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdullaahi Goodax Barre, Wasiirka Maaliyada Xuseen Cabdi Xalane, iyo Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka Faarax Sheekh Cabdulqaadir gaareen Deegaanka Goobweyn oo 30 km dhanka Waqooyi ka xigta magaalada kismaayo. Wafdiga ayaa waxaa kale oo wehelinayay xubno ka socda Ururka IGAD iyo AMISOM, waxaana markii ay gaareen Deegaanka Goobweyn ay kulamo la qaateen Barre Aadan Shire (Hiirale) oo Halkaas ku sugan, kana wada hadleen sidii Ciidamada Goobweyn jooga loo keeni lahaa Kismaayo isla markaana looga Wada qeyb qaadan lahaa Qabsoomida shirka nabadaynta Jubooyinka oo 21ka September lagu wado inuu ka dhaco Kismayo. Dowladda Federaalka iyadoo kaashaneysa IGAD ayaa waxey dooneysaa in la dhameystiro heshiiskii Addis Ababa oo qodobo ka mid ah ay ka mid ahaayeen dib u heshiisiin la dhexdhigo dadka deegaanka Jubbooyinka iyo Gedo, si maamulka Jubba uu u noqdo mid ay ka wada qeybgalaan dhammaan qeybaha bulshada ee deegaanadaas.”

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey dhameystirka Guddiga Farsamo ee maamul u sameynta Gobollada Dhexe ayaa yiri “Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Federaalka ayaa soo bandhigtay magacyada Guddiga Farsamada oo ka kooban 27 qof ee loo xilsaaray qabanqaabada shirweyne lagu soo dhisayo maamulka Gobolada Dhexe. Dowladda Federaalka oo beryahan waday wadatashiyo ayaa ku guuleysatay magacaabista Guddigan Farsamo oo la doonayo inay isu keenaan dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan deegaanada isku afgartay in ay sameystaan Maamul KMG ah oo qeyb ka noqda Maamul Goboleedyada dalka. Dowladda Federaalku waa ka go’antahay in nidaamka qabanqaabada iyo dhismaha maamulkan uu noqdo mid ku waafaqsan dastuurka isla markaana ay dhammaan qeybaha bulshada ka wada qeybgalaan si maamulka la dhisayo uu u noqdo mid matalaya bulshada deegaanka.”

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey booqasho uu Wasiirka Gaadiidka ku tegey Beledweyn ayaa yiri “Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Cirka & Dhulka Mudane Siciid Jaamac (Qorsheel) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa 26kii August 2014 booqdey, garoonka diyaaradaha Beladweyn ee xarunta Gobolka Hiiraan, si ay u soo eegaan xaaladda garoonka oo la doonayo in dayactir lagu sameeyo. Wefdiga ayaa booqdey, xarunta Taargooyinka iyo Leysimada, garoonka diyaaradaha iyo Xerada Lama-galaay ee Beladweyn. Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, Mudane Cabdi-fataax Xasan Afrax, ayaa uga mahadceliyey wasiirka booqashadooda, xusayna in Wasiirka iyo Injineerrada la socday ay bilaabeen qiimeyn lagu sameynayo garoonka Ugaas Khaliif ee Beladweyn si loo ballaariyo, isla markaana dib u dhis casri ah loogu sameeyo. Wasiirka Gaadiidka Mudane Saciid Jaamac Cali (Qoorsheel) ayaa tilmaamay in booqashadooda Baladweyne ay tahay in ay dardargeliyaan horumarrada ka socda magaalada Baladweyne gaar ahaan garoonka diyaaraha, Xarunta laga qaato Taargooyinka iyo Leysimada iyo adeegyada kale ee ay Bulshadu u baahan yihiin. Wasiirka Gaadiidka, ayaa tilmaamay in dhowaan magaalada Muqdisho tababar loo geyn doono Shaqaale loogu talagalay in loo tababaro Saadaashada Hawada iyo maamulka Garoonka Ugaas Khaliif ee magaalada Beladweyn, waxa uuna dhanka kale ballan qaadey in uu xoojin doono dhammeystirka iyo qalabeynta xafiisyada ay wasaaradda Gaadiidka Soomaaliya ku leedahay magaalada Beladweyn.”

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey Ardey Jaamicadda Soomaaliya ka qalinjabisey ayaa yiri “Ku-Simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa 27kii August 2014 ka qeybgalay Munaasabad ay ku qalinjabinayeen in ka badan 574 arday oo dhameysay Kuliyadaha Caafimaadka, Waxbarashada, Cilmiga Bulshada, Ganacsiga, Maamulka, Injineeriya, iyo Cilmiga Computer-ka ee Jaamacadda Soomaaliya. Munaasabadda oo ay goob joog ka ahaayeen Wasiiro, Ururka Dhaqaatiirta Soomaaliyeed, Aqoonyahano, Maamulka Jaamicadda, Waalidiin, arday iyo marti sharaf kale oo goobta lagu casuumay. Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta Sare Mudane Ducaale Aadan Maxamad ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in fursado shaqo loo abuuro dhamaan ardayda ka soo aflaxday jaamacadaha dalka. Ku Simaha Madaxweynaha Ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa ugu baaqay ardeyga qalinjabineysey inay aqoonta ay soo barteen ay dalka ugu adeegaan, isagoona ku ammaanay dhabar adeegii ay wax ku soo barteen.”

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey Hindise Sharciyeedka Waxbarashada ayaa yiri “Golaha Wasiiradda ayaa 28kii August 2014 meel mariyey Hindise Sharciyeedka Waxbarashada Qaranka oo dhowaan loo gudbin doono Golaha Baarlamaanka. Hindise Sharciyeedkan ayaa wax weyn ka tari doona dar-dargelinta tayeynta waxbarashada dalka isla markaana kaalin weyn ka qaadan doona siyaasadda guud ee waxbarashada dalka. Dowladda Federaalka waxey mudnaan gaar ah siineysaa waxbarashada oo ah furaha aqoonta iyo horumarka.”

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey Ardey tababar Leyli Sarkaal loogu qaaday Sudan ayaa yiri “50 qof oo dhameysatay Jaamicadaha dalka iyo 100 dhameysatay waxbarasho heer Dugsi Sare ah ayaa loo qaaday Dalka Sudan 24kii August si ay ugu soo qaataan tababar Leyli Sarkaal ah oo ay uga mid noqonayaan ciidamada Qalabka Sida. Ujeedada tababarkan Leyli Sarkaal-ka ayaa ah in sare loo qaado aqoonta ciidanka XDS oo wax weyn ka tari doona dib u habeynta lagu wado tayada iyo tirada ciidamada XDS. Ciidankan Leyli Srkaalka ah ayaa lagu wadaa inay noqdaan Saraakiil qeybaha kala duwan ee ciidamada. Dowladda ayaa in muddo ahba waday sidii ciidanka ay u heli lahaayeen tababaro kor loogu qaado aqoontooda iyo xirfadahooda ciidanka si marka ay howlgalayaan ay u dhaqmaan nidaam kalsooni siin kara shacabka Soomaaliyeed.”

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey horumarka Warbaahinta Dalka ayaa yiri “24kii August ayaa 30 suxufiyiin Soomaaliyeed oo ka kala socda Warbaahinta Qaranka iyo mida sida gaarka loo leeyahay ka furmay Muqdisho oo lagu kobcinayey aqoonta iyo xirfadda suxufiyiinta Soomaaliyeed. Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed Mudane Maxamed Ibrahim (Pakistan) iyo mas’uuliyiin ka socotay Hay’adda Horumarinta Saxaafadda ee Dalka Finland ayaa goob joog ka ahaa tabarkan. Wasaaradda Warfaafinta ayaa in muddo ahba ku howlaneyd sidii loo heli lahaa suxufiyiin aqoon fiican u leh howlaha warbaahinta si tayada warbaahinta Soomaaliya ay u noqoto mid la jaanqaadi karta tan caalamka. Wasaaradda Warfaafinta wey ka go’antahay sidii loo joogteyn lahaa tababarada suxufiyiinta Soomaaliyeed si loo dar-dargeliyo horumarka Warbaahinta Dalka.”

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey Arrimaha Xaquuqda Haweenka ayaa yiri “Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xaquuqul Insaanka ayaa 26kii August kulan Muqdisho kula yeelatay Wafdi uu hogaaminayo Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ee dhanka beni’aadanimada Philip Lazarani. Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay sidii Qaramada Midoobay ay Wasaaradda Haweenka gacan uga siin lahaayeen Shir dhawaan Muqdisho ka dhici doono, loogana hadlayo arrimo ku saabsan ka hortaga xadgudubyada ka dhanka ah Haweenka. Kulanka ayaa marki uu soo gabo gaboobay kadib waxaa saxaafadda si wada jir ah ula hadlay Wasiirka Wasaarada Haweenka Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Philip lazarani, iyagoo sheegay in ay isla meel dhigeen dhowridda Xaquuqul Insaanka iyo in laga hortago Xadgudubyada ka dhanka ah Haweenka iyo wadashaqeynta Wasaaradda iyo QM oo Haweenka u heli lahaayeen door dhanka siyaasadda, amniga, iyo horumarka dalka.”

Wasiirka Warfaafinta oo ugu danbeyntii ka hadlayey Abaaraha Dalka ka jira ayaa yiri “Wasiirka Beeraha Mudane Cabdi Axmed Baafo ayaa 28kii August sheegay in Guddiga heerka Wasiir ee Abaaraha ay booqashooyin ugu kuurgalayeen xaaladaha deegaanada ay sida daran u saameeyeen abaaruhu ku tageen degmada Dolow ee Gobolka Gedo iyo degmada Xudur ee Gobolka Bakool, isla markaana ay ku soo arkeen xaalado bani’aadamnimo oo u baahan gurmad deg deg ah. Wasiirka Beeraha ayaa sheegay inay u suuragashay safarkii ugu horeeyay oo gobollada Gedo iyo Bakool inay gaarsiiyeen saddex boqol oo tan (300) oo raashin ah oo loogu talagalay degmooyinka go’doonka ku jira, waxaana raashinkaas galbiyay Ciidanka Xogga Dalka Soomaaliyeed. Sidoo kale guddiga ayaa u mahadceliyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Gelle oo gurmad ugu deeqay dadka ku dhibaataysan degmada Buulo-burde oo kamid ah goobaha ay ka jiraan abaaruhu. Dowladda Federaalka ayaa markale ugu baaqeysa Soomaalida iyo caalamkaba inay gurmad deg-deg ah la soo gaaraan dadka ay abaarahu sid ba’an u saameeyeen.