U bood dhigaalka

Galgaduud: Abaaro ba'an oo la soo sheegayo in ay ka jiraan degmada DHabad

Sheeko:Dalka

download (2)Maamulka degmada DHabad ee gobolka Galgaduud  ayaa sheegay in heerkii ugu xumaa inta la xusuusto ay marayso abaarta iyo biyo la’aanta  ka taagan  degmadaasi.

Aadan Cabdulle Galaal Guddoomiyaha degmadaasi ayaa sheegay in oogada dadka ku dhaqan DHabad iyo deegaanada ku dhow ay ka muuqato rafaadka ka dhashay abaaraha taagan.

Waxa uu  carrabta ku dhuftay in dowlada Federaalka ugu yeerayo imaanshaha degmada si indhaheeda ay ugu aragto waxa ka jira deegaanka marka laga hadlayo xaga abaaraha.

Sidoo kale maamulka degmada DHabad ayaa ka dalbaday dowlada Federaalka iyo hay’adaha gar gaarka in gar gaar  ay la soo gaaraan dadka ku tabaalaysan deegaankaasi.