U bood dhigaalka

DHismaha garoonka diyaaradaha Ceel-waaq oo heer gebo gabo ku dhow

Sheeko:Dalka

Hoggaanka degmada Ceel Waaq ee gobolka Gedo ayaa sheegay in heer gebo gabo ah uu marayo dhismaha garoonka diyaaradaha ee ka socda halkaasi.

Guddoomiyaha degmadaasi Sahal Macallin Aadan ayaa sheegay in dhismaha garoonka uu muhiim u yahay horumarka degmadaasi.

Isaga oo u waramayay Goob Joog FM ayuu guddoomiyuhu xusay in ay jireen maalmihii la soo dhaafay caqabad ay kala kulmeen dhismaha garoonka sababo la xiriira abaaraha ka jira gobolka.

Waxa uu sidoo kale sheegay Sahal in dhismaha garoonka ay isku xil qaameen maamulka degmada iyo dadka halkaasi ku nool.

Ma jirin ayuu yiri guddoomiyaha degmada Ceel Waaq wax gacan ah oo aan ka helnay dowladda Federaalka Soomaaliya ama hay’adaha sama falka.

Dowladda ayuu ugu baaqay in gacan ay ka gaysato dhismaha garoonka iyo u gar gaarida qoysaska ay  abaaruhu  ku halakeeyeen  degmada Ceel-waaq.

Hadii uu hir galo dhismaha garoonka diyaaradaha degmada Ceel Waaq ayaa ka dhigan markii ugu horaysay oo degmadaasi ay yeelato garooon diyaareed oo wax wayn ka taraya xiriirka degmadaasi la leedahay deegaanada kale ee ku yaala dalka iyo dibadda.