U bood dhigaalka

Odayaasha dhaqanka Gedo oo soo dhoweeyay isu soo dhowaynta Barre Hiiraale iyo Axmed Madoobe

Sheeko:Dalka

Odayaasha dhaqanka gobolka Gedo ayaa soo dhoweeyay wada hadalada la isugu keenayo Kornel Barre Aadan Shire (Hiiraale) iyo hogaamiyaha maamulka KMG Jubba Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe).

Buraale Jamaac Deer oo ka mid ah odayaasha dhaqanka magaalada Garbahaaray ee gobolka Gedo ayaa sheegay in talaabadan ay soo af jari doonto caqabadihii ka taagnaa gobolada Jubbooyinka.

Magaalada Garbaharay ayuu sheegay in si aad ah looga hadal hayo wada hadalada la isugu keenayo Barre Hiiraale iyo Axmed Madoobe.

Buraale ayaa carabka ku dhuftay in ay si buuxda u taageerayaan wada hadalada, isaga oo tilmaamay in mar hore loo baahnaa in la isku soo dhoweeyo labada dhinac.

Barre Hiiraale ayaa ogolaaday in uu ka qayb galo wejiga labaad ee shirka dib u heshiisiinta gobolada Jubbooyinka iyo Gedo, kaas oo lagu wado in uu qabsoomo 12-ka September ee soo socota.

Hoos ka dhageyso codka Buraale Jamaac Deer: