U bood dhigaalka

Al-shabaab oo isaga baxay degmada Buulo Mareer

Sheeko:Dalka

Wararka  naga soo gaaraya degmada Buulo Mareer ee gobolka SHabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada  Al-shabaab ay isaga bexeen degmada kadib markii ay ku soo dhowaadeen ciidamada is garabsanaya ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo AMISOM.

Qof ka mid ah dadka ku sugan Buulo Mareer oo ay la xiriirtay Goob Joog FM ayaa sheegay in degmadu  aanay cidna gacanta ku haynin, waxa uu xusay in inta badan dadkii deegaanka ay ka bara keceen iyagoo ka cabsi qaba in lagu dul dagaalamo.

Warar kale ayaa sheegaya in Al-shabaab ay  dadka ku amreen in ay degmada iskaga  baxaan.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo AMISOM oo ku aadan gulufka ciidan.

Wixii war ah ee ku soo kordha kala soco Goobjoog FM.