U bood dhigaalka

Wafdi uu hor kacayo Kornel Barre Hiiraale oo maanta gaaray Kismaayo

Sheeko:Dalka
Korneyl Barre Aadan Shire (Hiiraale)
Korneyl Barre Aadan Shire (Hiiraale)

War goor dhow naga soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in Barre Aadan Shire (Hiiraale) uu maanta gaaray Kismaayo.

Ka dib markii saacad ka hor uu Magaalada Kismaayo gaaray  Kornel Barre Hiiraale iyo ciidamo la socday, waxaa  hada gudaha Kismaayo ka socda shir  afar geesood ah oo dhex maraya  Korneyl Barre Hiiraale iyo hogaamiyaha maamulka KMG Jubba Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe),  waxaana goobta shirka ka dhacayo jooga masuuliyiin ka socda urur goboleedka  IGAD iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

12-ka bisha soo socota ee September ayaa lagu wadaa in Kismaayo uu ka furmo wajiga labaad ee shirka dib u heshiisinta beelaha dega gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Wixii war ah eek u soo kordha warkan kala soco Goobjoog FM