U bood dhigaalka

Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo digniin u dirtay dadka dibad baxyada dhiga

Sheeko:Dalka
Cabdiraxmaan Maxamed Tuur-yare
Cabdiraxmaan Maxamed Tuur-yare

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa digniin u jeedisay dadka ku howlan mudaaharaadka looga soo hor jeedo xukunka ay gaarto maxkamadda.

Guddoomiyaha maxkamadda sare ciidamada qalabka sida  Cabdiraxmaan Maxamed Tuur-yare oo la hadlay Goob Joog FM ayaa sheegay in maxkamadu ay dhowaanahan fulisay xukuno kala duwan oo qaarkood lagu fuliyay rag lagu sheegay in ay ka mid yihiin  Al-Shabaab, kuwaasoo uu sheegay in lagu cadeeyay in ay dil ka geysteen magaalada Muqdisho.

Tuur yare ayaa ka digay in dadka mudaaharaadaya ay wax u dhimaan  sida uu sheegay cadaaladda, isaga oo ka digay arinta ku aadan banaanbaxyada, waxaana uu ka dhawaajiyay in maxkamaddu ay digniin u dirayso dadkaasi.

Hadalka guddoomiye Tuur yare ayaa ku soo beegmaya xilli maxkamada ciidamada qalabka sida ay shalay xukun dil ah ku riday toddobo eedaysane oo ay sheegtay in ay dileen askari ka dhex shaqaynayay gudaha xabsigii ay ku xirnaayeen.

Dad wayne fara badan ayaa bishan gudaheeda isugu yimid afaafka hore ee maxkamadda, iyaga oo ka cabanaya xukunada ay ku sheegeen in loo gaaro si deg deg ah oo aan ka fiirsi lahayn.

Hoos ka dhageyso codka Cabdiraxmaan Maxamed Tuur-yare :