U bood dhigaalka

Dadaalo nabadeed oo ka socda degmada Caabudwaaq

Sheeko:Dalka
Degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud
Degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud

Maamulka degmada Caabudwaaq iyo odayaal dhaqameed  ayaa ka arinsanaya dil qorsheysan oo dhowaan laga fuliyay degmadaasi.

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca arimaha bulshada ee maamulka  Caabudwaaq KHaliif Cabdi Samad Cali oo u waramay Goob Joog FM ayaa sheegay in kulamo looga arinsanayo dilkaasi ay ka dheceen degmada, isla markaana xal ku meel gaar ah laga gaaray.

KHaliif Cabdi Samad ayaa tilmaamay in labada dhinac odayaasha metalaya ay kulamadooda ku dhamaadeen guul,  ayna ku balansan yihiin in mar kale la isugu soo laabto kulankii diyada lagu kala qaadan lahaa, isaga oo sheegay in is af garad ay ku kala tageen odayaashii kulanka ku yeeshay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Bilihii la soo dhaafay ayay  Caabudwaaq  xiisado colaadeed oo soo laalaabtay ka jireen, kuwaasoo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.