U bood dhigaalka

WAR DEG-DEG: Koox hubaysan oo gudaha u galay xabsiga Godka Jilicow ee Muqdisho

Sheeko:Dalka

Warar daqiiqado ka hor na soo gaaray  ayaa sheegaya in rag hubaysan ay gudaha u galeen xabsiga Godka Jilicow.

Warar horudhac ah oo ay heshay Goob Joog FM ayaa sheegaya in rasaas xooggan laga dhex maqlayo gudaha xabsiga, rasaasta waxaa is weydaarsanaya ciidamada nabad sugida ee ilaalada ka ah  Godka Jilicow iyo raggii hubaysnaa ee weerarka ku soo qaaday xabsiga. Faah faahin la xiriirta khasaaraha ka dhacay halkaasi ayaan la ogayn ilaa haatan.

Qaraxyo dhowr  ayaa laga maqlayaa gudaha xabsigaasi Godka Jilicow.

Godka Jilicow ayaa ka mid ah  xabsiyada ugu muhiimsan ee  ay dowladda Federaalka Soomaaliya dhigto shaqsiyaadka  ku eedaysan in ay ka tirsanyihiin  Al-shabaab.

Wixii war ah ee ku soo kordha kala soco Goobjoog FM