U bood dhigaalka

Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay in ay fashilisay weerarkii lagu qaaday xabsiga Godka jilicow

Sheeko:Dalka
qar2
Sawir laga qaaday meel ka fog xabsiga Godka Jilicow oo uu qiic ka baxayo

Saraakiisha amaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay ka hor tageen weerar iyo qaraxyo ay maanta lagu soo qaaday  xabsiga Godka Jilicow iyo xafiisyo ay lahayd hay’adda  Nabad Sugida dowladda.

Saraakiil ka tirsan dowladda Soomaliya ayaa  sheegay  in weerarkii ka dhacay xabsiga Godka Jilacoow la soo af jaray,  islamarkaana lagu dilay toddobo dagaalame  oo ka tirsanaa  Al-shabaab.

Waxa ay sidoo kale sheegeen in qof rayid ah iyo saddex ka tirsan ciidanka dowladda ay ku geeriyoodeen weerarka.

Afhayeenka wasaarada Amniga Qaranka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Yuusuf Cismaan oo warbaahinta kula hadlay goobta ay wax ka dheceen ayaa sheegay in laamaha amaanka oo is kaashanaya ay fashiliyeen weerarka lala damacsanaa in lagu sii daayo maxaabiis ka tirsan  Al-shabaab oo ku jiray xabsiga Godka Jilicow.

Xaalada ayaa hada dagan, iyadoona ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay si buuxda u sugayaan amaanka xarunta la weeraray.