U bood dhigaalka

Xiriirka Kubadda cagta oo loo doortey gudoon cusub oo afar sano heyn doona xilkaasi + Sawiro

Sheeko:Dalka

DSC_0117

Waxaa hotelka jaziira ee magaalada Muqdisho lagu qabtey Doorashadii 6-aad ee xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya,taasi oo ay goob joog ka ahaayeen masuuliyiin ka socota wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraaha iyo Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee GOS.

Doorashada ka hor ayaa waxaa halkaasi lagu soo bandhigey waxqabadja xiriirka mudadii afarta sano ee la soo dhaafay,iyadoo sawiro iyo muqaalo lagu soo bandhigey,tartamadii la qabtey mudada afarta sano ee la soo dhaafay, ka qeybgalka tartamadii caalamiga ee dalka dibadiisa ka dhacay,qabashada tartanka degmooyinka,kan horyaalada heerarka kala duwan,tababarada garsoorka iwm.

kadib ayaa waxaa la guda galay aqrinta Musharixiinta Gudoomiyenimada Xiriirka oo marka hore ay u sharaxnaayeen Gudoomiyihii xilkaa si hayey Cali Siciid Guuleed,iyo Xogahayihii xiriirka Cabdi qani Saciid Carab,hase yeeshee Cali saciid Guuleed ayaa halkaasi ka sheegay inuu ka tanaasuley musharaxnimada isagoo codsadey in la cafiyo mudadii uu xilka hayey qaladaadkii ka dhacay.

Waxaa halkaasi Cod gacan taag ah loogu qaadey Musharax Cabdi qani saciid Carab, iyadoo halkaasi ay fadhiyeen 25-kooxood ee codeynta leh iyo sadexda urur,waxaana si caqlabiyad leh cod gacan taag ah ku doortey 28-kii cod ee halkaa joogtey.

kadib ayaa waxaa loo tartamay gudoomiye-kuxigeenimada xiriirka oo sedex musharax isugu soo taageen waxayna kala ahaayeen: CALI CABDI MAXAMED CALI SHIINO,CABDULLAAHI SHEEKH IYO C/LAAHI ABOW XUSEEN.

Waxaana loo qaadey cod gacan taag ah,iyadoo labo keliya loo baahnaa,waxaana gudoomiye ku xigeenka 1-aad kus oo baxay CALI CABDI MAXAMED CALI SHIINO oo helay 28 cod,ku-xigeenka 2-aad waxaa helay C/LAAHI SHEEKH OO HELAY 23 COD.

kadib ayaa waxaa codeyn loo qaadey xubnaha xiriirka oo lix xubin laga doonayey,waxaana isu soo taagtey 7 xubnood oo kala ahaa:

MUSTAF CILMI AFRAX WUXUU HELAY 23 COD

CISMAAN JAAMAC DIRAAC   24 COD

YAXYE ABUUKAR AAYOW  28 COD

XASAN MACALIN YUUSUF    22 COD

C/RASHIID XUSEEN CADOOW RASHKA  25 COD

XIIREEY AXMED ROOBLE     19 COD

SHARIIF MAXAMED ABUUKAR  7 COD KELIYA

Doraarashada Marki ay soo geba-gabowday waxaa kahalday guddoomiyaha Gos Cabdullahi Axmed Tarabi oo sheegay in ay Gos ayaa soo dhawaynayso doorashada ayaan tahay mid ku dhacday cadaalad, guddoomiye tarabi ayaa dhanka kale shegay in gos qof gaar ah uma calemo saarto qof gaar ahna ma nacdo xiriirkasta waxaa doorta kooahiisa iyo ururadiisa gosna ciddii sin axaq ah loo doorto wax soo dhawaynaysaa wayna la shaqaynaysaa.

Wasiirka ku xigeen ka wasaarada dhalinyarada iyo isboortiga Cismaan Maxamed Cabdi ayaa madasha doorashda ka hadlay ayaa soo dhaweeyay doorashada, waxuuna hogaanka cusub kula taliyay in la balaariyo isboortiag oo la gaarsiiyo gobolada dalka,

Guddoomiyaha la cusub ee xirirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa laga sugayaa in uu soo magacaabpo Xoghayaha XSKC maalmaha fooda nagu soo haya.

DSC_0031 DSC_0032 ??????????????????????????????? DSC_0019 DSC_0035 ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? DSC_0111 DSC_0117 ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ???????????????????????????????