U bood dhigaalka

Ahlu sunnah oo ka hadashay isu keenida Barre Hiiraale iyo Axmed Madoobe

Sheeko:Dalka

Saraakiisha Ahlu Sunnah Wal-jamaaca ayaa sheegay in talaabo wanaagsan oo loo qaaday dhanka dib u heshiisiinta ay tahay wada hadalada la isugu keenay Kornel Barre Aadan Shire (Hiiraale) iyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo hore uu dagaal u dhex maray.

SHeekh Maxamed Isaaq Al-Qaadi ayaa sheegay in maamulka Ahlu Sunnah Wal-jamaaca ee gobolka Gedo uu ka qayb geli doono wejiga labaad ee shirka dib u heshiisiinta gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Sarkaalkan Ahlu Sunna waxa uu sheegay in talaabada dowladdu ka qaaday arimaha Jubbooyinka ay ahayd mid lala soo daahay, loona baahnaa in mar hore la isu keeno dhinacyadii ku dagaalamay magaalada Kismaayo.

Xukuumadda Soomaaliya iyo Urur-goboleedka IGAD ayaa ku guulaystay in ay ku qanciyaan Barre Hiiraale ka qayb galka wejiga labaad ee shirka dib u heshiisiinta beelaha dega Jubbooyinka iyo Gedo, kaas oo lagu wado bartamaha bishan in uu ku qabsoomo magaalada Kismaayo.