U bood dhigaalka

Hay’ad gaadiidka nadaafada maanta ku wareejisay maamulka gobolka Banaadir

Sheeko:Dalka

Hay’ado maxali ah oo ka hawl gala magaalada Muqdisho ayaa maanta ku dhowaad shan gaadiid oo loogu tala galay nadaafada ku wareejiyay maamulka gobolka Banaadir.
Madasha lagu wareejiyay gaadiidkan ayaa waxaa ku sugnaa xubno ka socda maamulka gobolka banadir iyo gudomiyaasha degmoyinka loogu tala galay gaadiidkaaas.
Guddomiye ku xigeenka arimaha siyasada ee maamulka gobolka Banaadir ayaa uga mahad celiyey hay’adihiii gaadiidkan soo gaarsiiyey.
Waxa uu sidoo kale la dardaarmay guddomiyaasha degmoyinka maanta nasiibka u helay gadiidkaas kuwas oo loogu baaqay in si siman ay ugu adeegaan shacabka ku nool degmoyinkaas.
Maamulka gobolka Banaadir ayaa hore u hirgeliyay gawaari ay ugu tala galeen in ay ka shaqeeyaan nadaafada degmooyinka gobolka Banaadir.