U bood dhigaalka

Wafdi ka socda Turkiga oo maanta gaaray Kismaayo

Sheeko:Dalka

Wafdi ka socda hay’adaha TIKA iyo bisha cas ee dalka Turkiga ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

Waxaa wafdigan hor kacayay madaxa hay’adda TIKA Ahmed Gocer iyo guddoomiyaha hay’adda bish cas ee Turkiga. Garoonka diyaaradaha Kismaayo waxaa ku soo dhoweeyay xubnaha wafdigan masuuliyiin ka tirsan maamulka KMG Jubba.

Wafdiga markii ay gaareen magaalada waxaa loo galbiyay xarumaha uu ku shaqeeyo maamulka KMG Jubba, halkaas oo ay kulamo kula yeesheen madaxda maamulka.

Hay’adda TIKA ayaa dalka timid markii ay Turkiga u soo gurmatay abaarihii ka dhacay dalka sanadii 2011-kii xilligaas oo macluul ba’an ay soo food saartay Soomaaliya.

Turkiga ayaa mashaariic isugu jira dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha, horumarinta wabarashada iyo caafimaadka.