U bood dhigaalka

Ururka NUSOJ oo soo dhoweeyay ansixinta xeerka saxaafadda Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa soo dhoweeyay ansixinta golaha wasiirada ee xeerka saxaafadda Soomaaliya iyaga oo ka dalbay barlamaanka Soomaaliya in uu meel mariyo.

Maxamed Ibraahim Baakistaan oo ah xoghaya guud ee Nusoj ayaa sheegay in sharciga saxaafadda xilligan baahi weyn u qabaan saxaafadda Soomaaliyeed si loo helo sharci kala haga saxaafadda iyo dowladda Soomaaliyeed.

Bakistaan ayaa sheegay in Baarlamaanka Federaaka Soomaaliya looga baahanyahay in ay meel mariyaan sharcigan si loo helo kala dambayn iyo meel dib loogu laabto marka ay timaado isla xisaabtanka saxaafadda iyo dhinacyada kale.

Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa shalay ansxiyay xeerka saxaafadda Soomaaliya oo todobaadkii hore ay ku wareejiyeen guddiga loo xil saaray so eegistiisa.