U bood dhigaalka

Diyaarado dagaal oo duqeeyay deegaanka SHaw ee gobolka Hiiraan

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya deegaanka lagu magacaabo Shaw oo hoos yimaada degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in diyaarado dagaal oo aan la garanayn halka laga leeyahay ay duqeymo ka geysteen.

Wariyaha Goobjoog FM uga soo warama gobolka Hiiraan ayaa sheegay in dadka degaanka a mar qura ka war heleen daryanka duqeymnta iyo qiiq madow oo meel fog ka baxaya.

Ma jirto faahfaahin dheeraad ah oo ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay duqeymahan cusub.

Ma jirto cid sheegatayweerarada circa ee xalay lagu qaaday deegaanka SHaw ee gobolka Hiiraan.

Duqeyntan ayaa khoreysay duqeyn saaka aroortii diyaaradaha Maraykanka ay ka gesteen deegaano u dhaxeeya Dhaay tubeeko iyo Sablaale.gobolka Shabellaha hoose.