U bood dhigaalka

Baydhabo: Prof. Jawaari oo maalintii labaad kulamo la leh wax garadka gobolka

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo xubnaha la socda ayaa maalintii labaad waxa ay wada hadalo la leeyihiin maamulka lixda gobol ee koonfur galbeed Soomaaliya.

Madaxda maamulka lixda gobol ayaa xilligan si wayn kaga soo hor jeeda siyaasadda lagu doonayo in saddex gobol lagu soo koobo maamulka Baydhabo.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta oo la hadlay Goobjoog FM ayaa sheegay in maamulkoodu yahay lixda gobol Baay,Bakool,Jubbada hoose,Jubbada dhexe,Gedo iyo Shabeeallada hoose kuna yimid rabitaanka dadka deegaanka.

Xiisada ka jirta Baydhabo ayaa salka ku haysa maamul u sameynta gobolada koofureed ee dalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa aqoonsatay maamulka saddexda gobol ee koofur galbeed.