U bood dhigaalka

Xildhibaan Jeesow: Howl galka Bad waynta Hindiya waa mid soo celinaya amniga

Sheeko:Dalka

daahir jeesoow

Guddoomiye ku xigeenka guddiga amniga iyo arimaha gudaha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in guddigoodu ay ku rajo weyn yihiin in howl galka bad waynta Hindiya ee lagula dagaalamayo xarakada Al-Shabaab uu guuleysto.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ah guddoomiye ku xigeenka guddiga arimaha gudaha iyo maamul u samaynta gobolada ayaa sheegay in howl galadan ay yihiin kuwa soo celinaya amniga meeshana ka saaraya xarakada Al-shabaab .

Daahir Jeesow ayaa ugu baaqay xukuumadda Federaalka Soomaaliya in ay gacan adag ku qabato meelaha laga saaray xarakada Al-shabaab una samayso maamul deegaanka ka yimid si aysan u imaan habacsanaan sida horay u dhici jirtay.

Hadalka Jeesow ayaa yimid xilli sabtidii la soo dhaafay ay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo AMISOM weeraro ku qaadeen deegaano ay ku sugnaayeen xarakada Al-shabaab sida Buulo mareer iyo Kuntur waareey.

Hoos ka dhageyso codka Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow: