U bood dhigaalka

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo AMISOM oo la wareegay deegaano ka tirsan Galgaduud

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa la sheegay in howl-gal ay ka sameeyeen gobolka Galgaduud ay ku qabsadeen deegaano hor leh oo ka tirsan gobolkaasi.

Wararka ka imaanaya halkaasi ayaa sheegaya in ciidamadan iskaashanaya ay shalay gelinkii dambe weerar ku qaadeen deegaano dhowr ah oo hoos yimaada degmada Ceel-Buur ee gobolka Galgaduud halkaasi oo la sheeegay in ay ka baxeen xarakada Al-Shabaab.

Kornel Maxamed Kaariye Caraale oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda ee gobolkaasi ayaa isaga oo u waramay Goobjoog FM sheegay in ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen deegaanno hor leh oo ay Al-shabaab horay uga arrimin jireen kuwaasi oo uu shaaciyay in ay baneeyeen Al-Shabaab.

“ Waxaan joogaa meel la yiraahdo Laamo iyo Laamo holol iyo meel kale, waxaana la kulannay qeybaha kala duwan ee bulshada.” Ayuu yiri Kornel Maxamed Kaariye Caraale.

Hoos ka dhageyso codka Kornel Maxamed Kaariye Caraale: