U bood dhigaalka

Mareeray:Cudurka Duumada oo soo ritay in kabadan 15 qof

Sheeko:Caafimaadka

Maamulka deegaanka Mareeray ee gobolka SHabeellaha hoose ayaa sheegay in dadkaasi ay ku sugan yihiin tiradii ugu badnayd ee caruur uu soo ritay xanuunka duumada.

Siid Mayow Baalle oo guddoomiye ka ah deegaanka Mareeray ayaa sheegay in ay sii kordhayaan saacad kasta caruurta xanuunkan ku dhacayo.

Waxa uu tilmaamay guddoomiyaha deegaankaasi in halkaasi uu ku yaallo keliya xarun caafimaad oo loogu tala galay hooyada iyo dhalaanka oo aan ka jirin dawo ku filan.

Masuulkan ayaa sheegay in dadka badankood aysan awood u lahayn in ay iska bixiyaan qarashaadka daawooyinka isla markaana ay ka muuqdaan nafaqo daro baahsan.

โ€œDadka uu soo ritay cudurkan ayaa gaaraya 15 qof, waxaana ka jira deegaanka hal isbitaalโ€ ayuu yiri Siid Mayow Baalle.

Waxa uu ka codsaday hayโ€™adaha sama falka iyo dowladda Federaalka Soomaaliya in ay u gurmadaan dadka uu soo ritay cudurka Malaariyada.