U bood dhigaalka

Ciidamada milateriga dowladda ee gobolka Gedo oo ka cabanaya mushaar la’aan

Sheeko:Dalka
Saraakiil
Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya

Ciidamada Milateriga dowladda Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Gedo ayaa ka cabanaya Mushaar la’aan ay sheegeen in Mudo 3-sano ah ay ku heysato Gobolkaasi, ayadoo ay ku jiraan xaalado dagaal.

Colonel Cabaas Ibraahim Gureey oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee Gobolka Gedo ayaa Goob-joog FM u sheegay in ciidamadu ay wadaan howl-galka Badweynta India isla markaasina ay Gacanta ku dhigeen dhowr dagmo oo ka mid ah Gobolkaasi isaga oo intaasi raaciyay inaysan helin daryeelkii ay uga baahnaayeen dowladda Soomaaliya.

waxa uu sidoo kale sheegay Colonel-ku in mudo 3-sano ah aysan ciidamadu helin mushaarkoodii taasina ay ka mid tahay dhaliilaha kala duwan ee Ciidamada Dowladda ee Gobolka Gedo ay ka tirsanayaan Dowladda Soomaaliya,

Taliyaha ayaa xusay in Ciidanku ay dadaal ugu jiraan xaqiijinta amaanka dagmopoyinka Gobolka ee Dowladda Gacanta ugu jira qaarkoodna waxa uu tilmaamay inay wadaan Howl-galka Indian Ocean ee ay dowladu ku dhawaaqday xili uu sheegay inaysan helin kuwa dagaalka ku dhaawacmay daryeel Caafimaad oo ku filan.