U bood dhigaalka

Hollande: Waxaan ka qeyb qaadanay qorshihii lagu dilay hogaamiyihii Al-shabaab

Sheeko:Dalka
Francois Hollande
Francois Hollande

Sida laga soo xigtay ilo ku dhow madaxweynaha dalka Faransiiska Francois Hollande, sirdoonka Faransiiska ayaa wada shaqeyn la lahaa xukuumadda Washington kaasi ku saabsanaa hirgelinta weerarka dhanka hawada Mareykanka ee sababay geerida hogaamiyihii xarakada Al-shabaab horaantii bishan.
Francois Hollande waxaa uu sheegay geeddisocodka howsha iyo waliba isuduwidda xogta iyo sirdoonkaba uu lahaa fransiisku.Waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in qayb ahaan Warbixinta lagu daabacay wargeyska toddobaadlaha ah “Le Point”

Hase ahaatee madaxweynaha faransiisku waxa uu tilmaamay in howlgalka xagga dhulka uusan faransiisku ka qayb qaadan. Hogaamiyihii xarakada Al-shabaab oo ahaa 37sano jir waxaa uu kamid ahaa tobanka ruux ee ugu horeysa dadka uu dooneysay dowladda Maraykanka.

Bishii July ee sanadkii 2009-kii laba muwaadiniin Faransiis ah ayaa laga afduubtay koonfurtsa Soomaaliya waxayna kala ahaayeen Mark Ooberaar oo isagu baxsaday lakaiin Alex Doni ayaa gacata ugu jiray raggii afduubtay.

Bishii January ee sanadkii 2013-kii dowladda Faransiisku waxay ku fashilantay howl gal Milateri oo ay ku dooneysay in ay ku soo furato lahayste faransiis ah. Dowladda Maraykanka ayaa la xaqiijiyey in hogaamiyaha lagu dilay weerar dhinaca cirka loona adeegsaday gantaalada Gaudin Hellfire ah iyo hubka toosiyaha laserka.