U bood dhigaalka

Barre Hiiraale: Dib u dhac ayaa ku yimid shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka

Sheeko:Dalka
Kornel Barre Aadan Shire(Hiiraale)
Kornel Barre Aadan Shire(Hiiraale)

Wasiirkii hore ee gaashaandhiga Soomaaliya ahaana hogaamiye kooxeed, Kornel Barre Aadan Shire (Barre hiiraale) ayaa sheegay in dib loo dhigay shirkii dib u heshiisiinta beelaha jubooyinka ee la filayay in lagu qabto magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

Shir jaraa’id oo maanta uu ku qabtay magaalada Muqdisho isaga iyo wakiilkiisii shirka dib u heshiisiinta beelaha Jubbooyinka wajigiisii koowaad ee Muqdisho u matalayay ee Cabdi Shire Warsame ayuu ku sheegay in dib loo dhigay waqtigii la qaban lahaa shirka wajigiisa labaad.

Barre Hiiraale ayaa maamulka KMG ah ee Jubba ku eedeeyay in ay caqabado hor leh ka dhex abuurayaan shirka la filayo in uu ka furmo kismaayo.

Waxa uu xusay in maamulka KMG ah ee Jubba uu carqaladeynayo qabsoomida wajiga labaad ee shirka dib u heshiisiinta.

Bishan ayaa lagu wadaa in Kismaayo uu ka furmo wajiga labaad ee shirka dib u heshiisiinta beelaha dega Jubooyinka iyo Gedo.