U bood dhigaalka

Madaxwayne Xasan oo kormeer ku tagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kormeer ku tagey dhismaha ka socda garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cusmaan oo laga hirgelinayo Terminal weyn oo ka kooban qeybo kasta oo garoon uu leeyahay, islamarkaana loo dhisayo si casri ah oo uusan garoonka Muqdisho horay u laheyn.

Madaxweynaha oo ay wehliyaan Wasirka gaadiidka iyo Maareyaha Hay’adda duulista hawada ayaa kormeeray dhamaan qeybaha garoonka dhismihiisu socdo ka koobanyahay, isagoo warbixin ka dhageystay injineerada shirkadda FAVORI ee dhismihiisa ku howlan.

Dhismaha tirminalkan cusub oo aad u balaaran ayaa waxa maanta ka socday shaqo balaaran oo ku dhow heer dhexdhexaad ah, waxaana Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku amaanay shirkadda FAVORI horumarinta ay ka wado garoonka Aadan Cadde, isagoo xusay in dalku isbedel horumarineed uu galay xiligan.

“Waa horumar oo aad u balaaran oo dalka ka socda, waan rajeyneynaa in shakiga ay markii hore shacabku qabeen ee ah in shirkadda FAVORI aysan wax qaban karin, muuqaalkan dhismaha ee ay shirkaddu waddo wax badan ayuu ka badalayaa garoonka, oo garoonka waxa uu noqonayaa mid ka mid ah kuwa caalamka oo kale” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale u sheegy in shirkadaha caalamiga ah iyo aduunkaba in dowlada Soomaaliya ay soo dhaweyneyso cid weliba oo dalka wax ku soo kordhineysa, isagoo dhinaca kale tilmaamay in Dekadda muqdisho isbedel laga filayo.

“Shirkadaha caalamka iyo kuwa kale ee ay Soomaalidu leeyihiin waxaan leenahay hala yimaado dalka oo hala maalgeshado, si ay dib u soo laabtaan guud ahaan adeegyadii bulshada u baahnaayeen, tani waa horumar uu dalka ku talaabsanayo” ayuu markale Madaxweynuhu hadalkiisa ku daray.

Dhinaca kale Maareeyaha hay’adda duulista iyo saadasha hawada Cali Maxamed Ibraahim ayaa sheegay in qeybaha garoonka ee hadda shaqeeya laga guuri doono marka uu dhismahaan dhamaado, isagoo faahfahin ka bixiyay qeybaha terminalkan cusub uu ka koobanyahay

Dhismaha hoolalka cusub ee garoonka diyaaradaha ayaa ah mid soo jiidanaya indhaha, iyadoo uu aad uga balaaranyahay kii hore, waxaana uu qeyb ka yahay horumarinta ay dowladda Soomaaliya gaarsiisay dalka mudada kooban ee labada sano aheyd.