U bood dhigaalka

Guddiga qabanqaabinaya shirka Jubbooyinka oo beeniyay in dib u dhac uu ku yimid shirka

Sheeko:Dalka

Guddiga ku howlan qaban qaabinta iyo qabsoomida shirka lagu ballansanyahay in uu ka furmo magaalada Kismaayo ayaa sheegay in marnaba dib u dhac ku imaan xilkii loogu tala galay qabsoomida shirkaasi.

Guddoomiyaha shirkaas Cabdi Baalay ayaa sheegay in aysan ogayn cida baahisay in shirkaasi dib loo dhigay hase ahaatee ay ku hawlan yihiin sidii loo qaban lahaa.

Waxa uu ku dhiira galiyay dhinacyada ka qayb galaya in ay joojiyaan wararka la xiriira in shirka dib u dhac uu ku yimid.

Hadalka Cabdi Baalay ayaa ku soo aaday xilli shalay Barre Hiiraale uu warbaahinta Muqdisho u sheegay in maamulka KMG Jubba uu dib u dhigay qabsoomida wajiga labaad ee shirka dib u heshiisiinta beelaha dega Jubbooyinka iyo Gedo.

Hogaamiye kooxeed hore Kornel Barre Aadan Shire (Hiirale) ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya looga fadhiyo in xal ay ka keento mad madow uu tilmaamay in uu ka jiro qabsoomida wajiga labaad ee Shirka dib u heshiisiinta beelaha dega Jubbooyinka iyo Gedo.

Hoos ka dhageyso codka Cabdi Baalay: