U bood dhigaalka

Ciidamada maamulka KMG Jubba oo adkeeyay ammaanka Kismaayo

Sheeko:Dalka
Ciidamada maamulka KMG Jubba
Ciidamada maamulka KMG Jubba

Ciidamada maamulka kumeel gaarka Jubba ayaa si wayn u adkeeyay ammaanka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose halkaasi oo lagu wado in uu ka furmo wajiga labaad ee shirka dib u heshiisiinta gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Wafuuda ka qeyb galaysa shirkan ayaa ka kala imaanaysa magaalooyinka Nairobi iyo Addis Ababa, waxaana ku wehliya madax ka socoto urur goboleedka Igad oo kaalin ku leh qabsoomida shirkan.

Maamulka KMG Jubba ayaa ku hawlan diyaarinta goobihii ay degi lahaayeen ergada ka qayb galaysa shirka wajiga labaad oo muddo soo jiitamayay qabsoomidiisa.

Hogaamiye kooxeed hore Kornel Barre Aadan Shire (Hiirale) ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya looga fadhiyo in xal ay ka keento mad madow uu tilmaamay in uu ka jiro qabsoomida wajiga labaad ee Shirka dib u heshiisiinta beelaha dega Jubbooyinka iyo Gedo.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdihso ayaa sheegay in shir loogu gogol xaarayo midka dib u heshiisiinta uu 20-ka bishan ka dhici doono magaalada Garbahaareey ee gobolka Gedo.

Waxa ay tilmaameen in iyaga iyo Barre Hiiraale aysan wax war ah kala socon shirka beri ka furmaya Kismaayo.