U bood dhigaalka

Maamulka degmada Jalalaqsi iyo odayaasha dhaqanka oo kulmay

Sheeko:Dalka

Maamulka dowladda Federaalka Soomaaliya ee degmada Jalalaqsi ayaa odayaasha iyo wax garadka degmadaasi kala hadlay sidii wada shaqeyn dhab ah ay ula sameyn lahaayeen maamulka.

Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi oo la hadlay Goobjoog FM ayaa sheegay in odayaasha deegaanka ay kala hadleen dhibkii horay u soo maray iyo xaaladihii kala duwanaa iyaga oo u bandhigay qaabka maamulkooda uu doonayo in uu ku howl galo.

Maamulka degmada Jalalaqsi ayaa wax garadkan ka dalbaday in ay kala shaqeeyaan arrimaha degmadaasi sida ammaanka iyo wixii la halmaala.

Jalalaqsi ayaa ka mid ah degmooyinkii u dambeeyay oo ka tirsan gobolka Hiiraan kuwaas oo ay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay gaareen.

Hoos ka dhageyso codka guddoomiyaha: