U bood dhigaalka

Dibad bax ka dhan ah maamulka saddexda gobol oo ka dhacay Baydhabo

Sheeko:Dalka
Baydhabo
Baydhabo

Boqollaal dad wayne ah ayaa maanta isugu soo baxay wadooyinka magaalada Baydhabo, kuwaas oo ka biyo diidsan shirka ka furmay magaladaasi ee maamul loogu samaynayo gobolada Baay, Bakool iyo SHabeellaha hoose.

Banaanbaxyaashan ayaa ku qaylinayay hadallo ay ku diidanyihiin shirkan oo uu furay ra’isul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiwali Shiikh Axmed.

Xarunta ADC ee Baydhabo waxa dibadbaxyaashu kula hadlay Madoobe Nuunow Maxamed oo isagu sheegay in Madaxwayne uu u yahay Mamulka lixda Gobol.

Xiisada ka taaga Baydhabo ayaa ah mid soo noqnoqotay oo cakiran xilli magaaladaas uu ku suganyahay guddooiyaha barlamaanka dalka mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.