U bood dhigaalka

Dhageyso:Ammaanka Kismaayo oo la adkeeyay xilli maanta uu shir ka furmayo

Sheeko:Dalka
Kismaayo
Kismaayo

Amniga magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa lagu soo waramayaa in la adkeeyay xilli magaaladaasi ay isugu yimaadeen wufuud ka kala socota gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa saheegaya in ciidamada ammaanka ee maamulka Jubba ay xalay ilaa saakay howl gal ka wadaan xaafadaha magaalada Kismaayo iyo xarunta caymiska ee magaaladaasi oo lagu wado in maanta uu shir ka ka furmo.

Suldaan Aadan Maxamuud Garab oo ka mid ah salaadiinta gobolada Jubbooyinka oo ay la xiriirtay Goobjoog FM ayaa sheegay in inta badan wufuudii shirka ay magaalada Kismaayo gaareen halkaasi oo uu sheegay in lagu soo dhaweeyay.

Waxa uu intaasi raaciyay in qorshaha uu yahay in maanta uu furmo shirka isla markaasina si toos ah looga wada hadlo qodobada sahirka wajigiisa labaad lagu gorfeyn doono.

Hoos ka dhageyso codka Suldaan Aadan Maxamuud Garab: