U bood dhigaalka

Maamulka gobolka Banaadir oo digniin u diray qaar ka tirsan ganacsatada

Sheeko:Dalka

Waaxda nadaafada maamulka gobolka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday in ay tallaabooyin ka qaadi doonaan dadka labaajooyinka ka sameystay hareeraha wadooyinka muhiimka ah ee qul-qulka biyaha wasaqaysan laamiyada raaciya.

Goobaha muhiimka ah iyo hareeraha inta badan laamiyada qaar ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu arkaa labaajooyinka lagu dhaqo gaadiidka taas oo biyaha hoorka wasaqaysan ee ka dhashana ay raacaan qaarkood laamiyada halka kuwa kalena ay biyo fariisin iyo bullaacado noqdaan.

Agaasime xigeenka waaxda nadaafada maamulka gobolka Banaadir ayaa Goobjoog FM u sheegay in hada wixii ka dambeeya ay ganaax adag dul dhigi doonaan milkiilayaasha labaajooyinka iyo macaamiishooda hadaysan xakameyn qul qulka biyaha wasaqeysan ama aysan bedelin goobaha ay hada ku wadaan shaqadooda oo il qabadka iyo bidhaanta magaalada wax u dhimaya.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa in badan ku celceliyay in laga qeyb qaato kor u qaadista bilicda Muqdisho, waxa ayna baaq u direen dadka ku ganasada hareeraha laamiyada iyaga oo uga digay arinkaas.