U bood dhigaalka

Maamulka lixda gobol oo ka digay fara gelin kaga timaada IGAD

Sheeko:Dalka
Madoobe Nuunow Maxamed
Madoobe Nuunow Maxamed

Maamulka Koonfur galbeed ee uu hogaamiyo Madoobe Nuunow Maxamed ayaa ka digay fara gelin ay sheegeen in uu ku hayo urur gobleedka IGAD arimaha goboladaasi.

Wasiirka gaadiidka ee maamulka Koonfur galbeed ee lixda gobol Maxamed Idiris leesto oo u waramayay Goobjoog FM ayaa sheegay in madaxdii gaadhay magaalada Baydhabo oo uu ka mid ahaa guddoomiyaha barlamaanka ay la qaateen go’aano kala duwan kuwaasi oo uu sheegay in uu hor istaagay urur gobleedka IGAD.

Waxa uu intaasi raaciyay in maamulkoodu uu doonayo in la hir geliyo rabitaanka shacabka dega goboladaasi isaga oo tilmaamay in aysan ogolaaneyn in la hor istaago maamulkan oo uu sheegay in ay dadku sameysteen.

Maamulka lixda gobol ayaa weli ku adkeysanaya in aysan ka tanasuleyn go’aankooda halka ay dowladda Federaalka Soomaaliya ay aqoonsatay maamul ka kooban saddex gobol.