U bood dhigaalka

Madoobe Nuunow oo dowladda ku eedeeyey in aaney ixtiraamin rabitaanka shacabka

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka lixda gobol ee konfur galbeed Soomaaliya Madoobe Nuunow Maxamed ayaa sheegay in aaney katanaasuleynin go’aankooda ku aadan maamul u sameynta Gobollada koonfur galbeed.

Madoobe Nuunow oo wareysi siiyey Goobjoog FM ayaa sheegay in maamulkooda uu ku yimid wada hadal ay yeesheen dadka deegaanka, kaas oo laba sano kadib ay ka dhalatay in la dhiso maamul lix gobol ka kooban, iyagana loo doortay ineey hogaamiyaan.

“wakiillo mataalayey 73 qabiil ayaa Baydhabo ku shiray, iyaga ayaan annaga na doortay, go’aankaasna cid aan iyaga aheyn mabedeli karto” ayuu yiri Madoobe Nuunow.

Wuxuu eedeyn u soo jeediyey dowladda iyo hey’adda CRD oo uu sheegay ineey u xaqlinayaan dhinac ka mid ah dhinacyaa isku haya siyaasadda Baydhabo ayna ixtiraamin rabitaanka dadka shacabka ah.

Wuxuu sheegay in shirka maanta Kismaayo ka furmay iyo kii ayaan dhaweydba raiisul-wasaaraha uu ka furay baydhabo  ay yihiin kuwa bulshada gobolladasi isku diraayo. Isagoo tilmaamay in aan laga qeyb gelin dhamaan dadka dega gobolladaasi.

Dhanka kale, Wasiirka gaadiidka ee maamulka Koonfur galbeed ee lixda gobol Maxamed Idiris leesto oo mar sii horeysay oo maanta ah u waramayay Goobjoog FM ayaa sheegay in madaxdii gaadhay magaalada Baydhabo oo uu ka mid ahaa guddoomiyaha barlamaanka ay la qaateen go’aano kala duwan kuwaasi oo uu sheegay in dhaqan gelintooda uu hor istaagay urur gobleedka IGAD.

Maamulka lixda gobol ayaa weli ku adkeysanaya in aysan ka tanasuleyn go’aankooda halka ay dowladda Federaalka Soomaaliya ay aqoonsatay maamul ka kooban saddex gobol.

 

Halkan ka dhageyso wareysiga Cabdifatax Kalgacal uu la yeeshay Madoobe Nuunow

110113_003